Om förskolan i Luleå (somaliska)

Degmada Luleå waxeey leedahay 51 dugsi-xannaano oo degmadu leedahay iyo 9 dugsi-xannaano oo madaxbanaan oo ku faafsan degmada oo dhan. Dugsiga barbaarinta waxaa ka shaqeeyaa macallimiin iyo xannaaneeyayaal u xil saaran waxbaridda carruurta iyadoo laga duulayo yoolalka iyo hab-raacyada lagu sheegay manhajka dugsiyada xannaanada iyo shuruucda iskoollada. Dugsiga xannaanadu waa tallaabada ugu horreysa ee nidaamka waxbarashada Iswiidhan.

Hawlaha dugsiga xannaanadu waa in ay aasaas u noqdaan waxbarasho nolosha oo dhan socota. Waa inay ahaadaan ammaan, madaddaalo iyo waxbarasho. Waxbarashadu waa in ay ku salaysnaataa wax is dhaafsi u dhexeeya dadka waaweyn iyo carruurta iyo sidoo kale in uu carruurtu ay dhexdooda wax iska bartaan. Hawshu waa in ay ku sifowdo daryeelka ladnaanta- iyo horumarka qofka.

Yaa boos ka codsan kara dugsiga xannaano?

Waalidka haysta ilmo gaaray da'da 3 sano waxay xaq u leeyihiin inay codsadaan meelaynta 15-saacadood asbuucii, waxa loogu yeero meelaynta guud ee dugsiga . Wakhtiga iyo maalinta 15ka saacadood waxa go'aamiya dugsiga xannaanada ee ay khusayso. Dugsiga guud ee xannaanadu wuxuu raacayaa qorshaha sannad-dugsiyeedka iskoollada oo lama dhigto xilliga fasaxyada iyo maalmaha aqoon kororsiga shaqaalaha.

Waxa kale oo laga yaabaa in canugguu uu xaaladaha qaarkood xaq u yeesho boos dugsiga xannaano haddii uu qabo baahi gaar ah, xaaladda qoyska awgeed, ama uu korriinshadiisa ugu baahanyahay taageero gaar ah, sababo jir ahaaneed, maskax ahaaneed ama sababo kale awgood. Waxaa loo baahanyahay codsi, xaalad walbana goonideeda ayey degmada u eegeysaa.

Waaliddiinta shaqeeya ama dhigta waxbarasho u dhiganta mid sare waxay xaq u leeyihiin inay codsadaan boos dugsi xannaano, wakhtiga ay u safrayaan ama ka soo socdaan shaqada iyo saacadaha shaqada.

Sideen u dalban karaa dugsiga xannaano?

Codso adigoo adeegsanaya foomka "Codsiga booska dugsiga xannaanada ee degmada". Haddii aad u baahantahay in lagaa caawiyo codsigaaga, la xidhiidh Barta kulanka ee luugu tala galay carruurta iyo waalidka ee ku taal Smedjegatan 17A. Haddii adiga iyo ilmahaagu aad doonaysaan inaad maalintii wakhti la qaadataan dad kale, ku soo dhawaada Barta kulanka ee loogu tala galay carruurta iyo waaliddiinta. Halkan ka akhriso wax dheeraad ah: Barta kulanka ee loogu tala galay carruurta iyo waaliddiinta - degmada Luleå (lulea.se) External link.

Carruurta dhigata dugsiga xannaanadu xaq uma laha gaadiidka ardayda iskoolka geeya.

Ka dib marka aad boos codsatid

Marka aad adigu ka waalid ahaan codsi sameyso, waxaad heleysaa warqad ku aaddan in uu jiro boos ay tahay in aad jawaab celiso. Akhri xeerarka boosaska dugsiga xannaanada ka hor inta aanad aqbalin booska laguu soo bandhigay: Xeerarka meelaynta dugsiyada xannaanada - degmada Luleå (lulea.se) External link.

Cunto gaar ah

Haddii uu canuggaagu u baahanyahay cunto gaar ah, waa in marka lagu siiyo boos dugsi xannaano oo aad aqbasho booska aad dalbataa cunto gaar ah.
Macluumaadka iyo codsiga cuntooyinka gaarka ah ee dugsiyada xannaanada iyo iskoollada External link.

Dugsiyada xannaananda ee Luleå - loogu talagalay adduun waara, halkaas oo wax-isla-abuurid, hal-abuurnimo iyo waxbarasho madadaalo ka buuxdo ay keenayaan awood xagga korriinshada ah.

Sidan uppdaterades den 9 December 2022