Äldresupporten (somaliska/soomaali)

- loogu talogalay adigaaga ah waayeel

Taageerada waayeelka waxaa la xiriiri kartaa marka aad rabto talooyin iyo taageero ku aadan nolol leh caafimaad dheeraad ah. Waxaad xitaa ka heli kartaa caawinta dhinaca isticmaalka adeegyada dhijitaalka ah iyo farsamada hawl maalmeedka. Taageerada waayeelka waxay dadka ku casuuntaa caawimaado horumarinaya caafimaadka xilli hore looguna talogalay adigaaga ah 65 jir iyo ka weyn. Waxaanu diyaarinaa hawlo shakhsiyan iyo koox ahaan ah si loogu haboonaysiiyo baahidaada iyo rabitaankaaga. Waxaan kugu casuumi karnaa booqasho guriga oo horumarin caafimaad ah, taageero iyo hagitaan dhinaca farsamada dhijitaalka ah. Waxa kale oo aan bixinaa talo soo jeedin iyo talooyin si loo bilowdo hawlo micno badan oo horumarinaya caafimaadka isla markaana warbixin iyo ka qaybgalka kulamo koox ahaan oo bulsho.

Ujeeddadu waa in gacan ka geysato gaboobid caafimaad badan iyo nolol maalmeed firfircoon oo micno badan si aad u dareento ka qaybqaadasho iyo amaan.

Nala soo xiriir:

Dhinaca degmada Luleå Xarunteeda macaamiisha: 0920-45 30 00

Email: aldresupporten@lulea.se

Adeegga elaktarooniga: lulea.se/aldresupporten

Sidan uppdaterades den 14 February 2023