Centrum mot våld

(somaliska/soomaali)

- looguna talogalay adigaaga u baahan talo iyo taageero dhinaca dhibaato dagaal kaaga timi dad aad leedihiin xiriiryo dhow

Xarunta ka hortagga dagaalka waa magaca guud ee laba rugood – Rugta FREDA iyo rugta EQ. Rugahaas ayaad ka heli kartaa talo iyo taageero dhinaca dhibaato dagaal kaaga timi dad aad leedihiin xiriiryo dhow.

Rugta Freda waxaa loogu talogalay adigaaga hadda ah ama loo soo gaystay dhibaato dagaal oo dhinaca xiriirka dhow ah. Rugta Freda waxaa xitaa loogu talogalay carruurta iyo dhalinyarada soo arkay dhib dagaal oo gudaha qoyska ah.

Rugta EQ waxay taageero siinaysaa adigaaga ay ku adagtahay inaad maareyso dareenadaada, tusaale ahaan caro, ama isticmaalay wax ah nooc dagaal dhinaca xiriir dhow. Laga yaabee inaad ka cabsanayso inaad dhaawacdo qof aad jeceshahay.

La xiriir rugta Freda:

Telafoon lambar: 020-44 22 44

Wicitaanka lambarka kor ma ka muuqanayo xisaabta telafoonkaaga.

Dhinaca degmada Luleå Xarunteeda macaamiisha: 0920-45 30 00

Ii-mayl: freda@lulea.se

Adeega elaktarooniga: lulea.se/fredamottagningen

La xiriirrugta EQ:

Dhinaca degmada Luleå Xarunteeda macaamiisha: 0920-45 30 00

Ii-mayl: eq@lulea.se

Adeega elaktarooniga: lulea.se/eq

Sidan uppdaterades den 24 February 2023