Personligt ombud (somaliska/soomaali)

loogu talogalay adigaaga leh hoos u dhac awoodda laxaadka ah una baahan talooyin iyo taageero

Waxaanu ku jiheysanahay adigaaga ah qof weyn lehna hoos u dhac awoodda laxaadka nafsiyan ah oo wakhti dheer jiray kuna adagtahay in hawlo maalmeedku shaqeeyaan. Haddii qofku leeyahay hoos u dhac awoodda laxaadka oo nafsiyan ah waxaa adkaan karta in la ogaado nooca taageero ee jirta lagana heli karo bulshada. Waxaanu si wadajir ah kuula shaqaynaynaa inaad kordhiso ka qaybqaadashadaada iyo madax-banaani. Kulanka ugu horeeya ayaan isla eegaynaa rabitaankaaga iyo baahidaada. Marka aad hesho go’aan ah sii wadista xiriir aad nala yeelato, markaas ayaan si wadajir ah u qeexaynaa hadafyada aad rabto inaad gaarto, dhinaca jawi aad ku dareemayso amaan. Waxay ahaan kartaa tusaale ahaan in la helo hawl la qabto, la helo xiriir daryeel ama taageero iyo dadaalo laga helo adeega arrimaha bulshada. Caawimaadda aan ku siin karnaa waa mid wakhti xadaysan.

Waxaa waajib nagu ah xoq-qarinta sirta oo ma qorno wax qoraalo ah. In annaga nalala soo xiriiro waa wax qofku xor u yahay. Wakiilka gaarka ah maaha caawimaad laga helo hey’ad dawladeed ama daryeel bixiye oo baddal ma u aha cawimaadaha laga helo kuwaas.

Nala soo xiriir:

Dhinaca degmada Luleå Xarunteeda macaamiisha: 0920-45 30 00

Mejl: po@lulea.se

Sidan uppdaterades den 15 February 2023