Familjerådgivning (somaliska/soomaali)

Loogu talogalay adigaaga u baahan taageero dhinaca xiriirka dhow

Talo siinta qoyska waxay ka shaqaysaa arrimaha wada noolaanshaha, badanaaba xiriiryada dad lamaane ah. Dadka oo dhan dhibaato ayaa ku iman karta dhinaca xiriiryadooda dhow. Annaga in naloo yimaado ma ku xirna haddii qofku keligii noolyahay, yahay lamaane, leeyahay carruur ama noolyahay bilaa carruur. Wada hadalka dhinaca talo siinta qoyska wuxuu ahaan karaa tusaale ahaan caawimaad markay noqoto in lala hadlo dadka kale, la maareeyo iska hor-imaadyo, xaalado adag dhinaca xiriiryada, kala tegid, isu dhowaansho iyo galmada.

Waxaa waajib nagu ah xoq-qarinta sirta oo ma qorno wax qoraalo ah. Waa caadi in qofku aanu magaciisa u sheegin talo siinta qoyska.

Nala soo xiriir:

Telafoon lambar: 0920-45 43 90

Fiiro gaar ah u yeelo in aanu dadka ka soo wacno lambar qarsoon haddii aanu isku deyno inaan kula soo xiriirno. Dhinaca degmada Luleå Xarunteeda macaamiisha: 0920-45 30 00

Ii-mayl: familjeradgivningen@lulea.se.

Ha iloobin inaad dhiibto macluumaadka ku saabsan sida aanu kuula soo xiriirayno oo ka fikir in aanad macluumaad xaasaasi ah ku qorin ii-maylka. Haddii uu jirto dhibaato dagaal oo dhinaca xiriir dhow ah, fadlan sheeg taas marka aad nala soo xiriirto. Waxaa lagugu casuumayaa hordhac ah wada hadal ka dibna haddii loo baahdo wada hadal lamaane haddii ay taas ku haboontahay idinka.

Sidan uppdaterades den 24 February 2023