Anhörigstöd (somaliska/soomaali)

Loogu talogalay adigaaga leh qof kuu dhow oo xanuusanaya, leh hoos u dhac awoodda laxaadka ah ama ah waayeel

Taageero qaraabo waxay bixisaa talooyin, taageero iyo macluumaad kaa caawin kara inaad noqoto qof qaraabo ah oo la cuskado. Miyaad leedahay xubin qoys, qof saaxiib ah, waalid ama lamaane wakhti dheer bukaan ahaa, ah waayeel, u dhibaataysan caafimaad daro nafsiyan ah ama leh hoos u dhac awoodda laxaadka ah? Waxaan diyaar kugu nahay wada hadal gaar ah oo aad si xasiloon oo deggan fursad ugu hesho inaad sharraxdo xaaladdaada. Waxaan gacan ka geysan karnaa talooyin dhinaca wada hadalo koox ahaan iyo muxaadarooyin isla markaana macluumaad kaa sinaynaa waxa degmadu ku casuumi karto adiga iyo qaraabadaada.

Nala soo xiriir:

Dhinaca degmada Luleå Xarunteeda macaamiisha: 0920-45 30 00

Ii-mayll: anhorigstod@lulea.se

Sidan uppdaterades den 24 February 2023